Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergayga Abaaraha oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin QM iyo Would Bunk

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan, xilli laga dareemayo abaar baahsan taas oo dadka iyo duunyadaba saamaysay dad badanna ay ku waayeen xoolahoodii, kuwaas oo soo gaaray magaalooyinka.

Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah oo lagu tacaalo dadka kasoo hayaamay abaaraha baahsan ee dhaafisay xoolihii ay lahaayeen.

Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho macluul daran.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this