Deeq A. Posted June 6, 2022 Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmo kooban safar shaqo ku joogi doona Cadaado ayaa waxaa si diiran degmada u soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole Galmudug, maamulka degmada cadaado iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweyne Qoorqoor oo hadal u jeediyay dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay in arrimaha uu yimid Cadaado ay ugu muhiimsan tahay dib u doorashada golaha deegaanka degmada Cadaado. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo safar dhulka ah ku tagay Cadaado appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites