Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gudaha dalka Kenya ayaa sheegaya in shil gaari oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay ismaamulka Kitui.

Inta la xaqiijiyay adad gaarayo 12 ayaa ku geeriyootay shilkan oo ka dhacay deegaanka Kanyonyoo  ee ismaamulka Kitui dalka Kenya.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu xakameyn waayay darawalkii waday mid kamid ah gawaarida dadweynaha, halkaasna uu ka dhashay khasaaraha.

Warbaahinta Kenya ayaa ku soo waramaysa in darawalka gaariga waday uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya, taasna ya sababtay in uu xakameyn waaye gaariga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this