Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda iyo Safiirka Libya oo ka wadahadlay dayn cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   
beylle11111111-1.jpg?resize=960%2C720&ss

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka Libya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed oo ah uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxa ayna ka wadahadleen arrimha dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan maanta la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta” ayuu yiri Wasiir Beileh.

Libya ayaa la sheegaa in ay ka mid tahay wadamada deynta ku leh Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda iyo Safiirka Libya oo ka wadahadlay dayn cafinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this