Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Gaarisa qarax lagula eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   
sax.jpg?resize=864%2C486&ssl=1

Waxaa qarax lagu eegtay degmada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari Kenya Xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, 4 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Qaraxa waxaa ka bad baaday Xildhibaanka, waxaase ku dhaawacmay darawalkii gaariga u wada iyo 4 askari oo ilaaladiisa ka tirsanaa, qaruxu wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

“Darawalka iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah,” ayay booliisku ku sheegeen warbixin ay weerarkan kasoo saareen.

Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood ka dhacay Gaarisa, waxay Booliisku ku eedeeyeen Al-shabaab inay ka dambeeyeen.

PUNTLAND POST.

The post Xildhibaan Gaarisa qarax lagula eegtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this