Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Cirro Oo Ka Hadlay Dayaca Baahiyaha Aasaasiga Ah Ee Bulshada Iyo Sicir Bararka Iyo Damaashaadka Xukuumadda KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay sicir barark baahsan iyo kor u kaca macaashada , korantada iyo biyaha,waxaanu Xukuumadda uu mudda xilleedkeedii sii dhammaanayo ee KULMIYE ku eedeeyey inay ku fashilantay wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.

Musharrax Cirro ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga facbuugiisa kaga hadlay dayacnaanta baahiyaha aasasiga ah ee bulshada Somaliland iyo duruufaha addag ee hadda haysta shacabka “Laydhka, maciishadda, biyaha iyo caafimaadku oo daruuri u ah nolosha bulshadda reer Somaliland waxa uu sicirkoodu gaadhay meel ay adag tahay in uu qiimahooda jaro shacabka masaakinta ah ee aan haysan Xukuumad mas’uuliyaddii ay mudnaayeen iska saaraysa xil oo danahooda ka shaqeynaysa.”

Musharrax Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Dawladnimadu ay tahay inay damaanad qaado dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, waxaanu sheegay in Xukuumaddii arrimahaas wax ka qaban lahayd ay ku hawlan tahay sidii ay kursiga ugu sii nagaan lahayd “Ujeedada ugu weyn ee Qarannimo u jirtaana waa inay Dawladnimadu dammaanad qaaddo baahiyaha aasaasiga ah ee muwaadiniinteeda, ma aha inay ka shaqayso keliya sidii ay xukunka u haysan lahayd. “ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

 Dhanka kalene Musharrax Cirro ayaa iftiimiyey,isla markaana nasiib darro weyn ku tilmaamay,haddalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi oo sheegay in aan sicir barrar dalka ka jirin  “Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhammaanayo dhawaan waxa uu bil ka hor Golaha Barlamaanka hortiisa ka sheegay in uu sicir bararku joogo halkii ugu hoosaysay, taas oo ahayd marin habaabin weyn iyo hoosaasin dhalanteed ah oo waaqica ka fog. Maanta Shacabka reer Somaliland waa isbeddel doon, oo waa nololdoon, waxa ayna diyaar u yihiin doorasho ay ku helaan Dawlad noloshooda dammaanad qaadda.”

Ugu Dambeyntii Musharrax Cirro ayaa sheegay in rejada keliya ee ay haystaa shacabka reer Somaliland uu yahay Xisbiga WADDANI “Shacabka Somaliland rejada keliya ee ay haystaan waa Xisbiga WADDANI ballankeennuna waa Isku haynta dalka iyo dadka.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this