Sign in to follow this  
Deeq A.

Deeq Gargaar ah oo Lagu Qeybiyay Gobolka Banaadir+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir  ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay deeq raashin ah, waxaana goobjooga ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Basma Caamir Shakeedi, waxaana deeqda laga qeybiyay degmooyinka Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Deeqdaan oo ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta , isla markaana lasoo marsiiyay Wasaarada Gargaarkaiyo Maareynta  Dowladda Federaalka Somaaliya waxaana la gaarsiiyay  dadka danta yar iyo kuwa ay abaaraha saameeyeen ee Gobolada Dalka kasoo hayaamay ee soo gaaray Caasimadda magaalada Muqdisho.

Abaarta ka jirta dalka ayaa saamaeysay qoysas badan oo ahaa xoolo dhaqato iyo beeraleey, kuwaas oo abaartu dhaafisay xoolihii, halka kuwa beeeralayda ah aysan helin biyo ku filan waxsoo saarkooda, taas oo keentay in biyo baad kasoo baadigoobaan magaalooyinka oo ay usoo barakaceen xeryaha qoxootiga.

Dadka la gaarsiiyay deeqda ayaa ka mahadceliyey raashinka kale duwan ee lasoo gaarsiiyay, waxaana deeqdaan ay ka timid dowladda Imaaraadka carabta, taas oo qeyb ka ah gurmadka dowladda Imaaraadku kaga qeyb qaadanayso u gurmashada  shacabka abaaraysan waxaana horay ay u sheegtay in ay diyaar utahay in ay ka qeyb qaadato.

283458723_397723782404919_9001122143106331339_n.jpg

283472238_397723979071566_6399769628964552470_n.jpg

285640023_397723672404930_6196065462376016563_n.jpg

285939028_397723539071610_4897221320956636646_n-1.jpg

285939028_397723539071610_4897221320956636646_n.jpg

 

286229127_397723702404927_5013654055636708552_n.jpg

286365568_397723595738271_4376252902365741165_n.jpg

286377770_397723499071614_4689955051197505604_n-1.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this