Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo lagu so dhaweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2022-06-05-at-2.39.19-AM-

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qeyb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo lagu so dhaweeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this