Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Guddoomiye Aadan Madoobe oo sameeyey ballan-qaad cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Guddoomiyaha ayaa  guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta Golaha Shacabka, isaga oo horay u ballan qaaday in dib u dhis balaaran uu ku  sameyn doono mustaqbalka dhow. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi, taas oo wax badan u tari doona bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan ayaa xirneed labadii sano ee u dambeesay, ayada oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah uu ugu shaqeeyo xarunta Villa Hargeysa oo ku taal Madaxtooyada Soomaaliya.

286289396_332593045718004_79940095241151 286230002_332592815718027_15651039377315 285693878_332592979051344_34616898620784 283671445_332592972384678_15641469601880 283596612_332592705718038_78378139263716 286361251_332593245717984_11784263538139 283376517_332593115717997_17224410532262 283446916_332593089051333_45079483433968 283457424_332592955718013_35653417572197

The post Sawiro: Guddoomiye Aadan Madoobe oo sameeyey ballan-qaad cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this