Sign in to follow this  
Deeq A.

Othman Al-Hammadi oo markii 3-aad muddo 20 maalmood ah la kulmay Xasan Shiikh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta Xafiiskiisa ee Villa Soomaaliya waxaa uu ku qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al-Hammad.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadka u bilaabi laheyd taageerada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka siweyn diirada loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo horumarinta wxyaabaha ay wadaagaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhankiisa dowladda imaaraadka Carabta uga mahad celiyay taageerada ay siiso, isaga oo sheegay in looga baahan yahay wadasahqeyn xoogan oo dhinac walbo leh.

Kulankaan ayaa ahaa kii seddexaad ee muddo ka yar seddex todobaad uu safiirka Imaaraadka la yeesho madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May 2022.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

The post Othman Al-Hammadi oo markii 3-aad muddo 20 maalmood ah la kulmay Xasan Shiikh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this