Sign in to follow this  
Deeq A.

1 ruux oo ku dhintay gacan ka hadal dhexmaray ciidanka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpg?resize=674%2C379&ssl=1

Rag hubaysana ayaa xalay weeraray Bar- kantarool oo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ay ku sugnaayeen , dagaal wakhti kooban socday waxaa ku dhintay hal ruux oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey.


Barta- kantarool ee dagaalku ka dhacay ayaa ku taal agagaarka masaajidka turkiga ee ku yaala wadada u dhaxaysa isgoyska fagax iyo xaafadda jamhuuriya ee degmada Kaaraan.


Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday ay ka tirsanyihiin ciidamda Malateriga Soomaaliya oo markii hore ay ismaan dhaafeen booliiska barta- kantarool joogay .


Ciidankii Booliiska ayaa isaga tagay barta kantarool , iyagoo mar dambe kusoo laabtay.

PUNTLAND POST

The post 1 ruux oo ku dhintay gacan ka hadal dhexmaray ciidanka dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this