Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo aqbalay olale guri loogu dhisayo

Recommended Posts

Deeq A.   
image-6.jpeg?resize=922%2C518&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay olale loogu dhisayo guri kaasoo ay wadaan shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamad dowladda.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada dowladda ayey ka timi fikradda guriga loogu dhisayo madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya .

Agaasimihii hore Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u mahadcelinayaan madaxweyne Farmaajo sidaas darteedna ay guriga ku dhisayaan, islamarkaana uu ka aqbalay Madaxweynihi hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in bulshada Soomaaliyeed ay garteen muddadii uu Madaxweynuhu talinayey in uu aad iyo aad ugu ilaaliyay ammaanadii qaran ee loo dhiibtay, sidaas darteedna hadda guriga loogu dhisayo.

Shacab dalka iyo dibadiisa jooga ayaa wada olale xooggan oo madaxweynihii hore Farmaajo guri loogu dhisayo, lacag uruurinta waxaa iyaguna qaybka ah ciidamada dowladda.

Dadka qaarkii ayaa dhaliilay ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo, kuwaas oo sheegay in xiligan ay tahay in mudnaanta taakulaynta ay leeyhiin dadka abaaraha ku barakacay ee noloshoodu khatarta ku jirto.

PUNTLAND POST.

The post Farmaajo oo aqbalay olale guri loogu dhisayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this