Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Boocame ee gobalka Sool ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu dilay subaxnimadii hore ee saaka deegaanka.

Dilka dadka shacabka ah ayaa yimid kadib markii dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen deegaanka Boocame ee gobalka Sool, waxaana ku dhintay weerarka laba nin oo walaalo ah, halka nin kale uu ku dhaawacmay.

Ninka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in loo soo qaaday mid kamid ah goobaha caafimaad ee magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Illa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay weerarka, balse inta badan deegaankaas ayaa waxaa ka dhaca weeraro noocaan oo kale ah oo salka ku haayo aanooyin qabiil.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this