Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Malateriga Soomaaliya oo sheegay inay dileen madixii Alshabaab ee Baay iyo Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   
AAAS.jpg?resize=660%2C364&ssl=1

Taliska ciidanka Malateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgal ku dileen taliyihii ugu sareeyey Alshabaab gobolada Bay iyo Bakool oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal (Sheekh Al-sima) sidoo kale waxay xuseen inay dileen 11 xubnood oo ka tirsana Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Cuni ee degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, Taliyaha ciidamada XDS qaybta 16-aad ee Danab Carab Axmed ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka kusoo qabteen sarkaal sarre oo ka tirsan Alshabaab.

Dhankood Alshabaab wali kama hadlin warkaan kasoo baxay Ciidamada dowladda ee lagu sheegay in lagu dilay madixii Al shabaab ee Baay iyo Bakool iyo in la qabtay xubin sarre oo ka tirsan ururka.

PUNTLAND POST

The post Taliska Malateriga Soomaaliya oo sheegay inay dileen madixii Alshabaab ee Baay iyo Bakool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this