Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Dad Shacab Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boocame)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa dulleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay miyiga degmada Boocame ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo la sheegay inay walaalo ahaayeen, isla markaana waxaa uu dhaawac kasoo gaadhay weerarka Nin kale oo meel ku dhow goobta uu falku ka dhacay ku sugnaa.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarkii ka dhacay miyiga degmada Boocame ee Gobolka Sool uu la xidhiidho aano qabiil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this