Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax C/raxmaan Cirro oo ka hadlay Ganacsade uu Makhaayadiisa Shaah ka cabay oo la xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharax C/raxmaan Cirro oo ka hadlay Ganacsade uu Makhaayadiisa Shaah ka cabay oo la xidhay

cirro-300x290.png
Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujiyey.
Ayaan darro ka weyni ma jirto in Xukuumadda muddo xileedkeedii sii dhammaanayo xeeladeedi iyo xooggeediina ku soo ururisay xadhigga xaq-darrada ah, waxa ay tani muujineysaa in ay lumisay kalsoonidii Shacabka, anniga oo si adag u cambaareynaya xadhig xaqdarrada ah,waxa aan ugu baaqayaa Xukuumadda in xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso muwaadinkaa maalgashadaha ah.
Musharax cabdiraxman cirro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this