Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad rayid ah oo lagu laayay miyiga degmada Boocame

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan ayaa dad shacab ah maanta ku laayay baadiyaha degmada Boocame ee gobolka Sool.

Laba nin oo walaalo ah ayaa ku dhintay weerarka, halka uu ku dhaawacmay hal nin oo dhaawaciisa la soo gaarsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Dadka la laayay ayaa la sheegay in ay ka soo hayaameen deegaanka Yax ee bariga gobolka Nugaal.

Degaanno ka tirsan degmada Boocame ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo dad badani ku dhinteen oo salka ku hayay muran dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Dad rayid ah oo lagu laayay miyiga degmada Boocame appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this