Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanka Fasalka 12-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka Imtixaanka Shahaadiga fasalka 12-aad ee dugsiga sare 2021 -2022, kaas oo ardayda Soomaaliyeed ay ka qaado wasaaraddu iyo Tsanad waliba, laguna galo manhajka waasaarrdu diyaariso.

Wasaaradda ayaa horay u shaacisay in Imtixaanka  ayaa waxa uu bilaaban doonaa 18ka June 2022 oo ku beegan maalin Sabti ah, waxaana uusoo gabagaboobi doonaa  22-ka bisha maalin Arbaco ah, Jadwalkaani kasoo baxay xafiiska ayaa lagu qeexay  sida maadooyinku-u-kala horreyn doonaan maadooyinka ardaydu ay galayaan oo ka kooban 10 maado oo ardaydu qaadatay.

Wasaaradda waxbarashada ayaa  sheegtay sidoo kale in Imtixaanka lagu dhowaaday inuu sanadkaan baaqdo, kadib markii loo waayay dhaqaale, kadib doorashadii dalka. waxaana ay uga mahadcelisay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud oo wasaaraddu ku amaantay inuu bixiyay qarashaadkii loogu talo galay in lagu fudeediyo Imtixaanka.

FB_IMG_1654359945175.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this