Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin kasoo baxday Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraada ayaa kasoo baxaysa muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Dilka waxaa gaystay koox u dhalatay dalkaas waxayna ku dileen labada marxuum goobohooda ganacasi.

Labada muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana sidoo kale dhaawacyo culus ay gaareen ilaa sadax kale oo ka mid ah muwadininta Soomaaliyeed ee ku sugna Dukaamada lagu dilay labada Marxuum oo ahaa laba Dukaan oo iska soo horjeeday.

Deegaanka lagu magacaabo Strand oo ka tirsan magaala xeebaadka Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrka ayaa falkaan ka dhacay.

Ciidanka Booliiska ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay waxayna ka sameeyeen baaritaano, iyagoo sheegay inay soo qaban doonaan kooxda dilka gaystay.

Dhowrkii sano ee u dambeeyey Soomaalida ku ganacsata Koonfur Afrika waxaa loo gaysanayey dil iyo in la boobo hantidooda ganacsi.

PUNTLANDPOST

The post Faah Faahin kasoo baxday Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this