Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex ka mid ah guddiga doorashooyinka Somaliland oo is-casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa is-casilaadooda u gudbiyey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Xubnaha is casilay oo ah 3 xubnood ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyey ee uu ansixiyey baarlamaanka maamulkaas kadib magaacabistooda.

Seddexda xubnood ee is casilay ayaa kala ah:

1) Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood

2) Kaltuun Sheekh Xasan

3) Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Waxaa horey isku casilay 3 kale oo kamid ah guddigaan halka xubinta xisbiga UCID kasoo gaaray guddiga doorashada uusan weli ansixin baarlamaanka.

Guddiga oo markii horaba ka koobnaa 7 xubnood ayaa waxaa is casilay 6 kamid ah halka midka todobaad uusan weli sharciyad helin.

Tani ayaa ka dhigan in dhammaan guddigii doorashada maamulka Somaliland uu meesha ka baxay, malana la garanayo tallaabada xigta.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa dood la xiriirta doorashada, waxaana laga yaabaa in is-casilaada guddiga doorashada ay xaaladda uga sii darto.

The post Saddex ka mid ah guddiga doorashooyinka Somaliland oo is-casilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this