Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Ku Saabsan Kulan Xalay Ay Isugu Yimaadeen Aqoonyahanka, Xildhibaannada Iyo Madax-dhaqameedka BEESHA BARIGA BURCO Oo Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaaday + Xildhibaanno Ku Dhex Dagaalamay Kulanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kulan xalay ay isugu yimaadeen aqoonyahanka, xildhibaannada iyo madax-dhaqameedka beesha Bariga Burco ayaa ka qabsoomay Hotel Damal. Kulanka oo ujeedkiisu in la iska waraysto xaaladda guud ee dalka iyo sidii looga qayb qaadan karo dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii kooxo gaar ah ay marin habaabiyeen.

Koox madax-dhaqameed ah ee Burco uga soo kicintinay inay gacan ka gaystaan xiisadda mindi mindi ku taagta ah ee  u dhaxaysa mucaaridka iyo xukuumadda, ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay dhallinyaro iyo xildhibaanno ka soo jeeda deegaannadaas, hase yeeshee waxa markaliya lagu war helay in isbedel lagu sameeyey ajendaha kulanka oo lagu daray qodob ka hadlaya arrimaha xisbiga KULMIYE taasoo sababtay in buuq meesha ka bilaabanto, buuqaas oo markii dambe gaadhay heer ay isku gacan qaadaan xildhibaanno kulanka ka soo qaybgalay, sida ay ilo xog ogaal ah oo ka qayb-galay kulanka ay u sheegeen Somalilandtoday.com.

Madax-dhaqameedkan oo horeba uga gacan taagtay arrimaha xisbiga KULMIYE inay dhexgalaan ayaa markii xaalku halkaas marayay deganaan ku soo dabaalay xaaladda, waxaanay heshiisiiyeen labadii xildhibaan ee isku gacan qaaday madasha, kulankuna sidaas ayu uku dhamaaday iyadoo aan laga soo saarin wax natiijo ah ama qodobo ah.

1.jpg 2.jpg 3.jpg 4.jpg 5.jpg 282586239_10227864100812089_577138084808 285946048_4775018515936582_2894898848209 285978982_4775018559269911_7785711776337 286187715_4775018182603282_4832025700771

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this