Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howlgalo ka sameeyey Shabeellaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada kumaandooska Danab gaar ahaan hurinta gaadiidka Gaashaaman ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaanada Maracadde, Galka Salimo iyo tuulooyin kale oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu baacsanayay firxadka maleeshiyada Al-Shabaab oo bilaabay in ay shacabka ku dhex milmaan.

Saraakiisha ciidamada ee howlgalkan hoggaaminayay ayaa ka dalbaday shacabka deegaanadaas howlgalka laga sameeyay in ay la shaqeeyaan ciidanka si looga itaal roonaado argagixisada oo dhibaato xooggan ku hayo shacabka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo howlgalo ka sameeyey Shabeellaha hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this