Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape town)-Kooxo budhcad hubeysan ayaa xalay laba wiil oo Soomaali ah ku dilay dukaamadooda oo ku yaalla tuullada Strand kana tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana jira dhaawaca saddex wiil kale oo ku kala sugnaa laba dukaan oo iska soo horjeeday.

Budhcada ayaa gashay labada dukaan, kadibna waxay rasaas ku fureen dhalinyaradii ku sugnaa labada dukaan, waxayna budhcadda dhac iyo dil isugu dareen dhalinyaradaasi Soomaali.

Kooxii budhcada ee falkaasi dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa goobta isaga cararay, Booliska iyo dhalinyaro kale oo Soomaali ayaa goobta gurmad ahaan u tegay.

Dalka Koonfur Africa ayaa si joogto ah budhcada ku bartilmaameedsadaan dhalinyarada Soomaalida ee ka xoogsata magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Africa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this