Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilal Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay dukaamadooda dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Cape Town (Caasimada Online)– Kooxo burcad hubeysan ayaa habeenimadii sabtida (04/06-20202) ay labo wiil Soomaaliyeed ku dileen dukaamadooda oo ku yaal tuulada la yiraahdo Strand kana tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/rashiid Axmed Sh. Muxuddiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana jira dhaawaca sedax wiil kale oo ku kala sugnaa laba dukaan oo iska soo horjeeday.

Burcada ayaa gashay labada dukaan, kadibna waxay rasaas ku fureen dhalinyaradii ku sugnaa labada dukaan, waxayna burcadda dhac iyo dil isugu dareen dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Markii falkaasi dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa goobta isaga cararay. Booliska iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa goobta gurmad ahaan u tegay.

Booliska uma suuragelin inay gacanta kusoo dhigaan burcaddaasi, hase ahaatee waxay mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaaliyeed ee Cape Town ay u sheegeen inay baarayaan isla markaana gacanta kusoo dhigi doonaan kuwii ka danbeeyay gumaadka dhalinyaradaas.

Dalka Koonfur Africa ayaa si joogto ah burcada ku bartilmaameedsadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka xoogsata magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Africa. waxayna dhibane u yihiin Soomaalida burcad hantidooda ku haysta iyo inay damiyaan hhorumarka Soomaalida ay ka gaaraan ganacsi walba oo ay u dhaqaaqaan.

The post Wiilal Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay dukaamadooda dalka Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this