Deeq A. Posted June 3, 2022 Shan Qof oo Mida Dadkii loogu doonista badnaa caalamka Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin. Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka. Fasuul Cabdalla Fasuul Cabdalla waxa uu ka mid ahaa dadkii loogu doon-doonista badnaa, isaga oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Mareykanka ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998. Waxaa kale oo loo maleynayaa in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraro isxigay oo lagu qaaday Hoteel Paradise ee magaalada Mombasa iyo gantaal lagu dhuftay diyaarad ay lahayd Israa’iil sanadkii 2002. Fasuul wuxuu ku dhashay jasiiradda Comoros horraantii toddobaatameeyadii. Waxaa la sheegaa in uu qayb waqtigiisa ah ku bixiyay waxbarasho uu ku qaatay Sacuudiga. Abu-Mansur Al-Amriki Cumar Hammami oo loo garan ogaa Amriki wuxuu yimid Soomaaliya sanadkii 2006, isaga oo ka mid noqday huggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab. Wuxuu ku barbaaray magaalada Daphne ee gobolka Alabama ee waddanka Mareykanka. Sida ay sheegeen saaxiibbadii ay isku iskuulka ahaayeen wuxuu ahaa arday firfircoon, soo-jiidasho leh, sidoo kalena mar loo doortay madaxa ardayda waqtigii uu iskuulka dhiganayay. Sanadkii 2013 ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay is-maandhaafeen ururkiisii Al-Shabaab. Samantha Lewthwaite ‘Garoobta Caddaanka ah’ Gabadhan oo waqti dheer baxsad ahayd ayaa Soomaaliya ku sugneyd muddo toddobo sano ah. Waxaa la sheegay in ay Soomaaliya ka carartay kaddib markii uu furay ninkeedii Soomaaliga ahaa, sida ay sheegeen qaar ka tirsan warbaahinta UK iyo Kenya. Samantha Lewthwaite Waxay ka mid ahayd dadka ku eedeysan argagixisannimada ee loogu doon-doonista badnaa caalamka oo dhan, waxay caan ku ahayd oo dunida looga yaqaannay naaneysta ah (White Widow – Carmasha Caddaanka ah). Samantha waxay u dhalatay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay inay madax u ahayd 200 oo haween ah oo ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab, sida ay qoreen qaar ka tirsan warbaahinta caalamka. Liibaan wuxuu ku biiray al-Shabaab sanadkii 2006 Liibaan Xaaji Liibaan Xaaji Maxamed waa muwaadin qaatay dhalashada Mareykanka balse asalkiisu yahay Soomaali. Wuxuu ku noolaa wuqooyiga gobolka Verginia ee waddanka Mareykanka. Hase yeeshee, sanadkii 2006 ayuu aaday Soomaaliya si uu ugu biiro Al-Shabaab. Waxaa lagu eedeyay in uu taageero maaddi ah siiyay ururka, kaddib maxkamadda gobolka uu ka yimid ayaa qortay warqad amreysa soo qabashadiisa. FBI-da Mareykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay $50,000. Badri waxaa la socday nin kale oo lagu magacaabo Saalax oo Maraykanku baadi goobayay Badri Cabdicasiis Badri Soomaali u dhashay waddanka Kenya. Kiiskiisuse wuu ka duwan yahay dhamaan xubnihii hore ee aan kor ku xusnay oo ku eedeysanaa argagixisanimo. Waxaa loo haystay ka ganacsiga daroogada iyo foolka-maroodiga. Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa soo bandhigtay sawirkiisa waxaana si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada, iyada oo madaxiisa la dul dhigay hal milyan oo doollarka Mareykanka ah. Badri ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Gaarisa xilli uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, isaga oo lagu xiray xarunta la-dagaalanka argagixisada ee Kenya. Waxaa la tuhunsan yahay in la xiray xilli uu isu diyaarinayay inuu u baxsado dhanka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la raadinayaa Cabdi Xuseen Axmed oo la aaminsan yahay in ay wada baxsanayeen Badri. Waxaa cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo loo ballan-qaadya hal milyan oo doollar. Waxaa la aaminsan yahay in markii ugu war dambeysay uu ku sugnaa xadka Soomaaliya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites