Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay dagaal culus kuna amray GALMUDUG inay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka. 

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno,” ayuu yiri.
285841169_396715135832965_55255126434867 Xasna-Sheekh.jpeg?resize=696%2C510&ssl=1 285869642_396714805832998_92181435368029 282275495_396714692499676_23677468995878 285924734_396714689166343_38986586989306 Qoor-Qoor-Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ss 285827729_396715035832975_51427439044150 Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696%2C477&ssl=1 285988499_396714769166335_18728616479214 285789736_396714982499647_70757210202568

The post Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay dagaal culus kuna amray GALMUDUG inay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this