Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?

Hubka Mareykanku siinayo Ukraine

Cago-jiid badan ka dib, dawladda Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay u diri doonto dalka Ukraine hub casri ah oo gantaallo ah, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donbas oo ay si ba’an madaafiic ugu garaaceen ciidamada Ruushku.

Hubkaan waxaa lagu magacaabaa M142 Himars, kaas oo ah unug guur-guura oo isku mar ridi kara gantaallo badan. Hubkani wuxuu isugu jiraa mid dhexdhexaad ah iyo kuwa riddada dheer, haddana waxaa lagu warramayaa in Aqalka Cad, uu ka gaabsaday inuu ansixiyo hubkaan, inkastoo codsiyo badan oo ka yimid Ukraine, cabsi laga qabo in loo isticmaalo dhulka Ruushka oo xaaladda dagaalku ka sii darto.

“Waxaan rumaysanahay in Maraykanku uu si toos ah oo ula kac ah uu shidaal ugu shubay dab holcaya,” ayuu yiri afhayeenka dawladda Ruushka Dmitry Peskov. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa horey u sheegay in hubka cusub ee Mareykanka u dirayo dalka Ukraine uu keeni karo khatar hor leh oo ah in Mareykanku dagaal toos ah uu galay dagaal.

“Wax kasta oo ah sahay hub ah waxay kordhinaysaa halista inuu dagaalka sii ballaarto,” ayuu yiri Dmitry Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee RIA.

Baqdin

Cabsida uu qabo Maraykanka ee ku saabsan sida Ruushku u qaadan karo soo dirida gantaalladan ayaa ahayd mid ay ku geedamantahay hubanti la’aan. Madaxweyne Joe Biden laftiisa ayaa isku dayay inuu sharaxo go’anakan sida uu daabacay dhawaan wargayska New York Times.Maqaalkan oo uu qoray Biden, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in aanay ujeedadu ahayn dalkiisa inuu colaad ka abuuro Ruushka, balse uu yahay in la xoojiyo awoodda milatari ee Kiv si loo fududeeyo xal dublamaasiyadeed oo xiisadda loo helo.”Taasi waa sababta aan u go’aansaday inaan siino dadka reer Ukraine hub aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo rasaas u oggolaanaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee goobaha dagaalka ee gudaha Ukraine,” ayuu yiri Biden.

Biden

Peskov, ayaa dhankiisa, ku jawaabay:- “Sahayda noocan oo kale ah” aysan ku dhiirigelin kyiv inuu dib u bilaabo wadahadalka nabada wuxuuna muujiyay in Washington ay rabto inay “la dagaallanto Ruushka “.Biden ayaa intaa ku daray in go’aankaan uu qaatay kadib markii dowladda Ukraine ay u ballan qaadday in aan hubkana lagu bartilmaameedsan gudaha dhulka Ruushka.” Ma doonayno in aan Ukraine u dirno nidaamka difaac oo lagu weerari karo Ruushka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodomyr Zelensky, oo waraysi siinayay wargays laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Newsmax, ayaa dhankiisa waxaa uu xaqiijiyay in ujeeda gantaalladaan ay tahay kaliya in loo isticmaalo difaac.

“Dan kama lihin waxa ka dhacaya Ruushka. Kaliya waxaa na khuseeya waa dhulkeenna gudaha Ukraine,” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Ukraine.

.

Maxay yihiin Gantaalladu?

Gantaalladan ayaa qayb ka ah xirmo cusub oo uu ku kacayo qarash gaaraya 700 milyan oo dollar oo Maraykanku ku taageerayo Ukraine – oo ah tii kow iyo tobnaad tan iyo markii duulaanku bilowday bishii Febaraayo – agabkaan waxaa sidoo kale ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtero, hubka lidka taangiyada, iyo baabuurta taatikada dagaalka iyo waliba agab kale oo dheeri ah. Gantaalladan casriga ah ayaa ah kuwo ay dalbanaysay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Hadafku waa in nidaamka M142 Himars loo arko mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan uguna saxsan gantaallada riddada dheer ee adduunka in ka badan kuwa hadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushka ama kuwii ay Ukraine horey u haysatay.

Sida lagu sharaxay shabakadeeda Lockheed Martin, waa nooc la casriyeeyay, oo fudud, dabacsan oo ku rakiban nidaamka gantaalaha M270, oo la sameeyay 1970-meeyadii. Maraykanka ayaa sheegay in gantaalada uu siin doono Ukraine ay gaari karaan masaafo dhan 80 km, taas oo ka saaraysa xadiga madaafiicda loo adeegsado cadawga, isla markaana khatar ku ah, Ruushka.

Gantaalada ayaa ah kuwo lagu hagayo GPS-ka waxayna siin doonaan ciidamada Ukraine qiyaas ahaan laba jibaar ka mid ah kuwa hagaya ee M777 ee ay hadda isticmaalaan. Sida laga soo xigtay Lockheed Martin, baabuurta qaada agabka difaaca waxay qaadi karaan culays dhan lix gantaal oo ah 227mm, inkasta oo ay sidoo kale qaadi karaan gantaallo kale oo ah nooca ATACMS, oo masaafo dhan 300km jaraya ,inkasta oo Maraykanku aanu kuwaas Ukraine gayn doonin.

Si kasataba waxaa durba muuqanaya in Ruushku uu ka qaylinayo hubkaan casriga ah ee Mareykanku doonayo inuu ku caawiyo Ukraine oo Ruushku ku qaaday duullaan ka dhan ah horraantii sanadkan. Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahaan ayaa qaba in hubkaasi uu xaaladda dagaalka Ukraine uga sii dari karo taas oo Ruushka qudhiisu muujiyay kuna xusnay warbixintaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this