Deeq A. Posted June 2, 2022 Heshiiskii Madasha Wadashiga Qaran ee 27 Maajo 2021 waxaa ku lifaaqnaa qariiradda (Roadmap) qorshayaasha mudnaanta leh ee dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka. Si looga gudbo caqabadaha soo noqnoqda ee khilaafka siyaasadeed, waxay Madashu go’aamisay xiligaas in madaxda loo doorto hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka (DXDFS) ay labo sano gudahood wadajir ku dhameystiraan qodobadan soo socda. Dhameystirka Dastuurka Federaalka ah In heshiis laga gaaro guddiga dib u eegista iyo geeddi socodka dhameystirka dib u eegista Dastuurka. In la dhameystiro qodobada farsamo In heshiis laga gaaro qodobada siyaasiga ah ee lagu muransan yahay sida: Awoodaha iyo wadashaqeynta heerarka dowladda Qaybsiga khayraadka Nadaamka Cadaaladda Illaalinta Dastuurka In heshiis siyaasi ah laga gaaro ku dhaqanka Dastuurka inta laga dhameystirayo qaddiyadda Somaliland. Dhameystirka hannaanka dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga Dalka In heshiis wadajir ah laga gaaro qaabka loo dhisayo ciidamada Qaranka Soomaaliya, dib u eegisna lagu sameeyo heshiisyadii hore ee amniga In dib loo qaabeeyo dhismaha ciidamada Qaranka, la qalabeeyo, loona diyaariyo in ay la wareegaan masuuliyadda amniga Qaranka Xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan Argagixisada Qaddiyadda Somaliland In DFS iyo DXDFS ay heshiis ka gaaraan hannaanka wada hadalka arrimaha Somaliland In lagu gudagalo wada hadalada Somaliland Maqaamka Caasimadda Soomaaliya In Hay’adaha Dowladda DFS iyo DXDFS ay heshiis mideysan ka gaaraan maqaamka Caasimadda. Dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed In dib uhabayn lagu sameeyo Gudiga dib-uheshiisiinta Qaranka Diyaarinta qorshaha dib u heshiisiinta Qaranka Hirgelinta barnaamijka dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed. Deeqaha iyo Deyn cafinta In laga heshiiyo qaybsiga deeqaha iyo tubta deyn cafinta Hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah In dib loo eego, heshiisna laga gaaro dhammaan shuruucda, Guddiga iyo siyaasadaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah In la dhameystiro geeddi socodka qabsoomidda doorashada (Xisbiyada, tirakoobka dadka, xuduudeynta, dhaqaalaha iyo agabka doorashada). Qodobadan ayaa inta badan saldhiga u ah khilaafka soo noqnoqda ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Qorshayaasha horyaalla DFS iyo DXDFS appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites