Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaanaaa balakoonka ugu caansan adduunka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaad ka taqaanaaa balakoonka ugu caansan adduunka?

s
Markii ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ay ka soo muuqdaan balakoonkan waxay ahayd 2019 – waxaana ku jira Amiir Harry, xaaskiisa Meghan, iyo Amiir AndrewImage caption: Markii ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ay ka soo muuqdaan balakoonkan waxay ahayd 2019 – waxaana ku jira Amiir Harry, xaaskiisa Meghan, iyo Amiir Andrew

Laga soo bilaabo dhunkashooyinka aroosyada boqortooyadailaa dabaal-degyada dhammaadka aroosyada, balakoonkan ku yaalla aqalka Buckingham Palace ee London wuxuu martigelinayay munaasabadaha qaranka tan iyo markii ugu horreysay ee Boqorad Victoria ay halkaasi ka soo muuqatay sanadkii 1851.

Munaasabadda Platinum Jubilee, ayaa balakoonkan waxaa mar kale lagu galay sawirro mar lagu qabtay munaasabad weyn, iyadoo Boqorad Elizabeth II iyo 17 kale oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada lagu wado inay ka soo muuqdaan Khamiista.

“Waxaa in badan laga hadlayay cidda halkaas tageysa iyo cidda aan tageynin,” ayay tiri Pauline Maclaran oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Boqortooyada Casriga ah, Royal Holloway, ee Jaamacadda London.

Keliya “xubnaha boqortooyada ee shaqeeya” iyo carruurtooda ayaa ka soo muuqan doona, kumana jiraan wiilka Boqoradda Amiir Andrew, iyo wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir Harry, iyo xaaskiisa Meghan.

Dhammaan Qoyska Boqortooyada ayaa ka soo muuqday Queen’s Silver Jubilee sanadkii 1977
Koox yar oo boqortooyada ka tirsan ayaa isugu yimid 2002

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this