Deeq A. Posted June 2, 2022 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Xadan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb si diiran ugu sooo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, mas’uuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Galmdug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo safaro ku maraya xarumaha dowlad goboleedyada dalka ayaa todobaadka soo socda lagu wadaa in uu tago caasimadda Puntland ee Garowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites