Kamaavi Posted October 9, 2010 Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Marka aan dharaar wacan Adoo ladan dhulkeygoow Wadar geelu dhalayoo Lo’du dharab janjanatoo Dhudihii ku deyshoo Dharag lagu barqinayoo Banku dhabarka simanyahay Bilic laguma dhaafee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Marka aan dhulkeygoow Dhagixiyo dixdaadiyo Macdan dheeman iyo luul Dhanaggaaga baadheen Dhanahaaga fuudeen Malabkaaga dhuuqeen Heybaddaada dheegeen Kugu aasta dhidibkeen Bilic laguma dheefee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Marka aan dhulkeygoow Madheedhkoo shindhalayoo Dhicir wada casaanoo Hoobaantii dhadeysoo Dhuluulubo la moodoo Isu soo dhawaadoo Dhinaca isa saaroo Isu dheellitiranoo Bilic laguma dhaafee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Marka aan dhulkeygoow Dhulsankii Dhadhaaboo Dhibicdii salaaxdoo Karartii dharbaaxdoo Dhulku faaqi buuxshoo Dhaaxa Dirir karbaashoo Ubax lagu dhardhaaroo Dhudhun iyo shan baacoo Bilic laguma dhaafee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Marka aan dhulkeygoow Dhirqo iyo dhir kala mudan Dheydhuub carfoon iyo Gawlalaha dhiteystiyo Dhaydhay midab qurxoon iyo Dhiraandhira qodxeystiyo Qurac lama dhaqaajiyo Labi dhidibka ciiddiyo Dhillawyahan dulfuuliyo Caanaha Dharkeynkiyo Dufankii Dhammaajada Ku subkada dhammaantood Bilic laguma dhaafee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Waxaan dhaanta iyo saar Dhab u tumi ciyaaraha Markaan dhogor-Carbeedleey Geenyada la dhawree Qurux lagu dhambalayee Tintu dhabarka jiiftee Dhaxdu miiqa tahayee Cirid dhuxul maduulkee Xiinfiniin dhiggiisee Dhooddimeer la moodee Aan kala dhinneenee Dharab lagu aflixiyee Dhaqan-wacan xambaartee Adi kugu dhax-nool iyo Dhabiil kugu aroosaa Bilic laguma dhaafee Dhallin igu kalsoon iyo Is-dhaxtaaga beeshii. Dhallintii dalkeygeen Soo kala dhaqaaqniyo Dhallaankii magaaliyo Kuwa Dheeha raacoow Siduu yahay dhulkeennii? Ma dhograday gammaankii? Ma bislaaday Dhuyicii? Ma bilcammay Dharkeynkii? Ma gardaadshay Dhiinkii? Ma magoolay Dhabigii? Biciidkii dhalmada gabay Hadda dheys mannoo yahay? Rahu dhaa ma leeyahay? Adhigii ma dhaaddimay? Badhaadhkii ma dhagacsaday? Geelii mannoo dhalay? Lo’du dharaq ma leedahay? Weyshii ma dhucan tahay? Dhiciskii ma gaamuray? Dhulku roob miyuu helay? Dhiddinkii ma dihinyahay? Ubixii miyuu dharay? Mise wuu dhacaranyahay? Dhiilku xoor ma leeyahay? Caweyskii ma dheeshaan? Dhuumashow ma looshaan? Arooskii ma dhacayaa? Dheellidu ma daran baa? Dhiladkii ma baxayaa? Dhurbadii ma higil baa? Dhoolkii ma muuqdaa? Sagalkii ma dhalac baa? Wakaabuhu ma dhey baa? Dhigaalkii ma muush baa? Dhasheeggii ma walac baa? Dhalashadu ma sidi baa? Colaaddii ma dhimid baa? Dhaawicii ma baanaa? Booguhu ma dhayid baa? Nabadduna ma dhuunkaa? Ma isu soo dhawaan baa? Alleylehe dhulkeygoow Midaan dheefsadaa tahay Dharaan xiranahaa tahay Dhuraan quudan baa tahay Oon ku dhaashadaa tahay Hooyaan dhawrayaa tahay Dhabaan seexan baa tahay Dhallaan aan korshaa tahay Oon ku dhaaran baa tahay Dhaaya-nuuriyaa tahay Nindoor iga dhigaa tahay Dhididkeygi baa tahay Dhaxroor aan sitaa tahay. Allow aan dhulkeygoow Nabad kugu dhaxjoogaa Rabbow cadow ku dhuudiyo Kaa kori dhibaatada Dadku Dhugataa wiiqdee Isku soo dhawaadaa Dhukaankii haleeliyo Ka dhugbaxa xummaadkii Anna aan dharaar wacan Dhuljacayl daraaddii Ciiddaada dhiinka’a Intaan labada dhuub dara Dhuunkadaa sagaal goor Ilmo dhagac ka siiyaa Dhabanada ku hoortaa Anoo hugan dharkaadoo Calankaaga dhuuqsaday Dhaantiyo caweys iyo Hiddaheenna dhaxalka’a Dhallin igu salaantiyo Hablo ii dhawaaqaan Dhabna ii mashxaraadaan Dharaar kheyr leh weeyee Laygu soo dhaweeyaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted November 15, 2010 welcome funky drimma .. we don't wanna not care 'boot u .. Quote Share this post Link to post Share on other sites