Kamaavi Posted October 7, 2010 Jiiftadani waxay ku wajahan tahay dadka aan halganka sida toos ka ah ugu jirin sabab kastaa ha kaliftee, gaar ahaan dadka aan itoobiya si dhab ah ula coloobin ee ama niyada ka jecel ama aaminsan in lala noolaan karo iyo kuwa dantooda gaarka ah is kaga foofay ee sugaya in dalka la xoreeyo isaga oon wax dhib ahi ka soo gaadhin. Mida kale waxay ku wajahan tahay kuwa aaminsan inaan itoobiya lala dagaalami karin oo ama ay inaga badan tahay ama inaga xoog badan tahay. Waxaanse qolodan ugu dambeysaa xusuusnayn in xabaddu qofkasta disho. Dadkaygow dood yaroo Maankayga ka daahdayoo Dubaaqaygu goconayoo Haddii aan soo dalaco Miyeynaan duulli Karin? Miyeynaan dagaali karin? Woyaanaha dooxi Karin? Qoryahan daran doorigee Docdeena ku tiirsan iyo Dabkeenu miyaanu dhicin? Miyeynaan dareen lahayn? Duligan ka xoroobi Karin? Dulmigan laynagu hayiyo Xaqeenan la duudsiyiyo Dhiigeenan la daadiyey Miyeynaan ka doodi Karin? Hadeynaan diyaaradiyo Gantaalaha duula iyo Dabaabadda heli karayn Sabanka wax dalooliyiyo Gamuunka wax daadiya Miyeynaan doonan Karin? Inaan gaalo doorbidnoo waxay danbi laga galeen Indhaha ka d'aboolaniyo Maxaa duliga ina baday? Adduunyadan durugtayee Daruuraha dhaaftayee Dayaxa ku cashaynaysa Halkii laga digo rogtiyo Inaan docda yuururaa Daciifnimo sow maha? Dabuub hore baa ahayd Doofaarbaa ficil la’aan Cadaab daran loo gashaa Iney shalay damac dabaan Maantana doxaan guhaad Doraatana ay xuseen Dariiqa intey dhigeen Ma duugi kartaan dheheen Barina ay doonayaan duqeena iney dilaan Inana aan dagalka iyo Dacayda laalaadinaa Damiir xumo sow maha? War duulooyin maxaydin heley? Siddii adhi roob ku da’ay Maxaad dagalka u rogteen? Doqoni qiiq kama kacdee Daankay meermeerisaa Dugeedi miyaad tihiin? Xanuunka markuu danqaday Dameerkii haamihiyo Rarkuu waday daadiyee Intuu ooda sii dardaray Dursuriyee hawdka xuley Miyaan ka damiir xunahay? Hadii aan taa dabroo Anoon sheekada dulmarin Murtida dildilaaciyoo Doc kale maansada ka furo Hablihii dahabka u ekaa Dayuusku markuu watee Dirqiga ku kaxaysto ee Duleedkiina lagu kufsado Dunjigu sow kama naxdaan? Duqeydan habsowdayee Gaajada la dayowdeyee Daryeel li’ida u dhamaan Kuwaa dhabarka u duwee dhagaha ka d'abooshayow Qalbigu sow idinma dido? Marwadan doorsoontayee Digsiga u ekeetey ee Diiftiyo baahida qabtee Dhadhaab dawarsiga u timid Kuwii ay dihatayee Danbeedkeeda dhaadhyayow Markaad dhab u daawataan Ma doorsoontaan miyaa? Hadii aan taa dabroo Anoon sheekada dulmarin Murtida dildilaaciyoo Doc kale maansada ka furo Inaan dibaddaha tagniyo Dagaaga maxayna baray? Degaankii aan lahayn Dalkeenii wanaagsanaa Kumaa kaga miyid dalxiis? Miyaan danab ciil qaboo Xumaanta ka diiro oo Dadkiisa u hiiliyoo Ducaysani inaga dhalan? Ableyda ninkii ku daray Ninkii doobada ku jaray mindida daabka kuugu dhiggay Inaad darib iyo lag iyo Baruur ku durduurisaa Dabaalimo sow maha? Dambiba isagoo an galin Ninkii abahaa daldalay Inaad docda ugu jirtoo Daafiga la walaaqataa Miyey dow noqon kartaa? Dadkaygow duunyo yari Miyaan deeq uga hadhnaa? Miyaanse dhahnaa dad yari Dagaal waajib nooma aha? Haddii aan taa dabroo Doc kale maansada ka furo Dabuub hore sow ma odhan Dufulo jeex jeexan iyo Dirayskoo kaa madhiyo Aradku waa dow jiriyo Dan aan laga boodi Karin Usgagse waa dacati iyo Dadnimo xumo aad u ba’an. Hadalka dulucdiisa iyo Doorbiinku halkuu hayee Ujeedadu daaran tahay Diricna waa garanayaa Doqonna waa yeel kaddii Midkaa dabaqoodhigee Balaayaddu duufsatee Gumeysigu soo dirsadey Miyeynaan dabiibi karin? Duruus loo dhigi karey? Digriga loo badin karey? Miyaan dabacsani dhabiyo Dulqaad loo muujin karin? Haddii aan taa dabroo Doc kale maansada ka furo Diin kaliyaan wada qabnaa Dalkeenuna waa mid qudha Dunbaa laga wada farcamay waxa ina dhalay duq qudha Dankaliyaan wada rabnaa Doon baan wada saaranahay Dabaylo laxaad leh iyo Dufaan baa lagu socdaa Dowgana cadow baa ku jira Hadaan isku duubnidiyo Dadkeenoo wada jiriyo Dugaashiga aan la badin Xoogeena laysku darin Darbaalka hadaan la xidhin Halkuu ka daroorimoyo Dilaaca hadaan la tolin Dakhalku inuu inala jabi Saxiimadu inala degi Dabeed xuudku ina daldalan Amase siddii duulashii Illaahay dooriyee Daanyeerada uu ka dhigay Dirkeenu inuu rogmani Dabkeenuna uu bakhtiyi Daliilkeeda iigu imo. Ali yare Dammam, Saudi Arabia. Alyare2002@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites