Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Taaran oo ka horyimid ansixinta mas’uuliyiinta Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1654147717405.jpg?resize=720%2C35

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa gebi ahaanba diiday in mas’uuliyiinta Garsoorka ee magacaaban ay hor-tegaan Baarlamanka si ay xasaanad u helaan.

Guddoomiye Taaran iyo Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare oo lagu magacaabo Cabdiqani Diiriye Cawl ayaa sheegay in aysan jirin wax looga baahan yahay Baarlamanka islamarkaana ay shaqadooda wadanayaan.

Garsoore Cabdiqani Diiriye Cawl ayaa durba bilaabay in uu dhegaysto dacwado kala duwan isagoo aysan weli ansixin Baarlamanka wuxuna sheegay in aan loo baahnayn xasaanad siinta Golaha Wakiilada.

Arrintaas ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayay in mas’uuliyiinta magacaaban ee Garsoorka Puntland laga ansixiyo Kal-fadhiga Baarlamanka oo furmaya bartamaha bishaan June.

PUNTLAND POST

The post Axmed Taaran oo ka horyimid ansixinta mas’uuliyiinta Garsoorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this