Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada madaxweynaha ee Baydhaba + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay qaybaha bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa gooni gooni u qaabilay culimada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada “Wuxuuna kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay wuxuu ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalka, isagoo la wadaagay qorsheyaasha dowladda uu hoggaamiyo ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taaba-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

“Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii labaad ku hoyday magaalada Baydhaba, halkaas oo kulamo kala duwan uu kula yeeshay madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shalay booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka ay deegaanadii ka soo barakiciyeen abaaraha dalka ka jira, wuxuuna sheegay inuu soo arkay xaalado laga murugoodo, isagoo ku baaqay in dadkaas deg deg loo caawiyo.

09ae1866-1907-40bc-ac9b-8ba0e27a5167.jpg b46ec006-7128-448c-a8ef-2ab5e5dca0fc.jpg xasan-iyo-bulshada-bay.jpg?resize=696%2C xasan-iyo-haweenka.jpg?resize=696%2C463& xasan-iyo-odayaasha.jpg?resize=696%2C463 xasan-iyo-odayaasha.jpg1_.jpg?resize=696 xasan-iyo-odayaasha.jpga_.jpg?resize=696 xasan-Sheekh.jpg?resize=696%2C463&ssl=1

The post Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada madaxweynaha ee Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this