Deeq A. Posted June 1, 2022 Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa wareegto uu soo saaray waxalagu Magacaabay Maamulka cusub ee deegaan Xebeedka Jasiira, sida lagu xusay qoraalka soo baxay guddoomiye gobolka Shabeellada hoose. Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Deegaanka Jasiira, halka Guddoomiye ku xigeenada Maamulka iyo Maaliyadda uu u magacaabay Xuseen Jilacow Maxamuud, waxaana Maxamed Shuqaale Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites