Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sarkaal awood badan ku leh NISA oo is-casilaad u geeyey Mahad Salaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-bedelka maamul ee dalka ka curtay ayaa durba saameeyay hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA, iyadoo la bedelay taliyaashii NISA ee Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde iyo Waaxyo kale oo muhiim ah.

Taliyihii dabagalka NISA Korneyl Cabdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere), oo ka mid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan hay’adda, ayaa is-casilaad uu hey’adda uga tegayo u geystay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad, balse waa laga aqbali waayey, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku dhow Cabdullaahi Dheere.

Sidoo kale Cabdullahi Dheere ayaa la sheegay inuu dalbaday fasax, balse ma cadda inuu ka aqbalay Agaasime Mahad Salaad. Ninkaan oo warbaahinta aan ka soo muuqan, galangal badana ku leh gudaha iyo dibadda dalka ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay xog ogaal u ahaa wixii ka dhacay gudaha hay’adda.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in waayihii dambe ay isku dhaceen kooxda Farmaajo, iyadoo xubnaha noo waramay ay tilmaameen in si hoose uu uga qeyb qaatay ololihii doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadal-heynta ugu badan ee dhanka NISA ayaa maanta aheyd in ciidankii ilaalada u ahaa Fahad Yaasiin lagu amray inay soo xaroodaan, balse saraakiil uu ku jiro Cabdullahi Dheere oo ka tirsan hey’adda NISA ayaa dhaliilay go’aankaas, waxayna qabaan in Fahad Yaasiin uu xaq u leeyahay inuu heysto ilaaladiisa.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maalmahaan wada dib u eegis ku saabsan hanaankii shaqo ee hey’adda nabad sugidda Soomaaliya oo dhaliil muteysatay waayihii dambe,

Korneyl Cabdullahi Dheere ayaa kamid ah xubnaha faro ku tiriska ah ee wax badan ka og kiisas waa weyn oo dalka ka dhacay, kuwaas oo ay ugu horeeyaan beegsi saraakiil ciidan, maqnaashaha Ikraan Tahliil iyo askartii loo qaaday dalka Eritrea.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 28-sano jir ayaa ku dhashay dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, wuxuuna sanadihii 2007 ilaa 2010-kii kasoo mid noqday urur diimaadyadii dalka ka jiray.

Dad badan waxay eegayaan sida ay u dhacaan isbedelada ku socda hey’adda NISA, qaaar kale waxay ku dadaalayaan inay ku lug yeeshaan maamulka cusub, saraakiisha NISA iyo kuwa ciidamada kale ee amniga ka shaqeeya waxa ugu weyn ee hor yaalla waa nabad deynta dalka iyo xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho oo amni darro xoog leh wajaheysa.

The post Xog: Sarkaal awood badan ku leh NISA oo is-casilaad u geeyey Mahad Salaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this