Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Heshiis Gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in xal waara laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

Wada-hadallo ay gadh-wadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi, kadib ayaa lagu guulleystay in lasoo afjaro khilaafka labada masuul oo gaadhay meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni iyo Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka billaamay arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagaga guuleystay.

Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaadhay xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this