Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
3-14.jpg?resize=1000%2C678&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni laguna doortay Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay ballan qaadeyso dhismaha xarunta Baarlaanka, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee JFS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this