Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo xalay Afgooye ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa sida la sheegay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Afgooye halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dagaalkaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh inkasto aan faahfaahin sugan laga helin.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa saaka degan kadib dagaalkii xalay waxaana ciidamadu ka wadaan hawlgal ciidan oo amniga lagu xaqiijinayo.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo xalay Afgooye ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this