Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Kordhisay Cashuurta Jaadka Iyo Qaadleyaashii Somaliland Oo Suuq Kale Raadsanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Itoobiya oo Somaliland Ka Joojinaysa Qaadka Ka Baxa Dalkeeda iyo Ganacsato Bilaabaya Qaadka Kiiniya

Inkastoo Guud ahaanba Qaadka ugu badan ee Lagu Cuno Somaliland uu Ka Yimaado Dalka Itoobiya, haddana Waxa Maalmihii u Dambeeyay ay, Dawladda Itoobiya bilawdey Dhaqdhaqaaqyo, Xoogan oo, Ay Culays Ku Saartey in Cashuuro, Ka badan Qiimaha Jaadka Lagu soo Rogay Ganacsatadii Qaadka intooda ugu badan, ee hore u haystay Liisanka Dhoofinta Qaadka heerkiisa Labaad iyo Sadexaad.

Ganacsatada Qaadka Ka Keena Dalka Itoobiya, Kowooda heerka dhexe, iyo Hoose ayaa Go,aansadey in ay Ganacsiga Qaadka Dalka Itoobiya uga Wareegaan Dhinaca Kiiniya iyagoo Sabab uga dhigay Kadib Markii Dawladda  Itoobiya ee Heer Federaal, iyo Dawladda Deegaanka Soomaalidu, ay Saareen Cashuuro Siyaado ah oo Ka badan, Qiimaha iyo Ganacsiga Qaadka, taas oo Toddobaadyadii u Dambeeyay ay Dawladdu Gubtey Qaadkii ugu badnaa ee Noociisa ah iyagoo Xusey in Laba Qoddob ay ujeedadu tahey in aanney Dawladdu Raali ka aheyn Ganacsiga Qaadka, ee Dhaqaalaha adagi Kasoo Galayo Qeybo Kamid ah Dadkeeda, iyo in ay Dawladda laf ahaanteedu Dulsaarto Cashuuro Dheeraad ah, Maadaama aann Laga Fursanayn Ganacsiga Qaadka, ee Somaliland Loga baaha yahey inta badan iyadoo Dawladda Deegaanku Ka joojisay Deegaano badan Qaadka lagu Cuno Dalka Itoobiya Gudihiisa ee Loo yaqaan Agarwisti.

Qaadka Kiiniya, ayaa Toddobaadkii Maalin Yinaada Magaalada Hargeysa Qaadkaas oo Madaxweynihii hore Farmaajo Ka joojiyay Soomaaliya, isagoo Dhinaca Koonfurta Soomaaliya Heshiis Ganacsiga Qaadka ah La Sexeexday Dawladda Itoobiya islmarkaana, Kooto ugu Xidhay Ganacsato Kooban, Waxaa hadda Lagu Waddaa in Isbadelada Madaxweyne Xasan Sheekh, ay  Arintaa Wax Ka Badelayso.

Guud ahaanba Isticmaalka Qaadka, ayaa Soomaalida Ku haya Dhibaato Dhinaca Dhaqaalaha la Xidhiidha, iyadoo Maalin Walba Lacag Malaayiin Dollar ahi ay u Xerooto Dhinaca Itoobiya ayaa haddana Waxa lagu Soo Rogay Cashuur malaayiin Dollar ay Dawladda Itoobiya kaga Doonayso Cahsuurta Qaadka

Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this