Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Jiro In Xukuumadda Somaliland Ay JABUUTI U Gacan Galinayso Arreh Souleiman Oo Maalintii Tobnaad Ku Xidhan Saldhigga Dhexe Ee Gabilay??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Arreh Souleiman Aouled Arreh, oo ah Wiil reer Jabbuuti ah ayaa maalintii tobnaad ku xidhan saldhigga dhexe ee Gabilay.

Sabtidii ayaa Maxkamad la geeyay iyadoo loo jaray 7 maalmood oo Rummaan ah (xabsi ku sii hayn ah).

Ninkan oo si weyn u dhaliila nidaamka maamul ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hore uga  soo cararay waddanka Jabbuuti.

Muuqaallo uu soo duubay ayaa Aarre, ayuu ku sheegay in uu ka cabsi qabo in Somaliland u dhiibto dawladda Jabbuuti.

Wararka aan illaa hadda si rasmi ah lii xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland ay qorshaynayso in Arreh Souleiman Aouled Arreh ay u gacan galiso dawladda Jabuuti iyada ay dadka baraha bulshada wax ku qoraa ka digayaan arrintaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this