Dal Aqoon Posted January 3, 2010 Faadumooy dhammays baa tahay dheg iyo miisaan leh Dheeho lix iyo toban sano jirtoo aan dhib soo marine Alla dhawryeey aabbooy! ducaan kuu dhafrinayaaye U dhug yeelo waanadaan ku faro dheguhu yay seegin Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin maradeeda oo dhixir sidaa tahay ku maran dhinaca geesteeda Ayuu eebbe iisoo dhigay dhul aanan doonayne Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid dhoyga geli caawa Dhololkayga maahayn inaan debed u dhoofaaye Kuma dhiirranayn abidinkay inaan dhuyaalaaye Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa midaan dhantaallayne Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil dhayda caanaha Dhankastaad u eegtaba nimcaa dhoobanayd gebiye Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo is dheefsada Maammul loo dhegtaagaa jiroo qaran ku dhaataaye Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel dhawran baa jiraye Dhagta waaga waxan aadi jiray shaqo aan dheerayne Galabtii kolkaan soo dhacee daal dhanba illaawo Dhalad ehela iyo derisyadaan soo dhowayn jiraye Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa dheemman iyo luule Innagoo dharaar gurigayaga aayar dhacadiidna Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad u dhoocaarna Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil walbiba buuxdo Ayuu amar dhacoo la isku galay Xamar dhexdeediiye Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob u soo dhacaye Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi dhaaxa badidoode Dhimbiilaa ku yaacoo arlada dhuudhibaa galaye Dhiigbaa dariiqyada qulqulay suuqyo nagu dhowe Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca dhararqdiisiiye Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo dhiilladiyo tawsta Dhaca tuugadiyo boobka iyo dhidarka ********ta Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo dhac iyo laystaane Goortii dhuuni daayoo waxbadan gaajo lagu dheelmay Goortaan dhabqalalownayee baahi dhugatownay Goortaad habeen iyo dharaar oohin dhalandhooshay Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro dhooleey soo qaxaye Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo dhegedkii Waamoode Dhagax quudannaa iyo dhunkaal dharaq ku leelleelka Waayeel dhanqalan iyo carruur waaqla lagu dhaafay Dhaayahaygu waxay soo arkeen dhawr kunoo melege Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday taniyo Dhoobleeye Dharab lagu badbaadiyo kolkay nabadi dheeraatay Dhabbadii Habaar Waalidbaan Dhooleey soo maraye Dhafoor moordi Keenyaan ah baan dheef ka saanyadaye Dhabatada sideedaa xeryaha deyr naloo dhigaye Dhamas baa dugaal noo noqdiyo hoy dhilmaanyalehe Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq noqonnay dhawr goore Dhoorlaha libaax reemayaa noogu soo dhacaye Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni kula raadshey Dhakal caydha waxan lalansadoo badar kusoo dhaanshey Dhufays sidan ku jiro waxan lignaa dhoobadiyo ceelka Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u aydaaye Dhoofkii Marakani anigu uma dheg taagayne Kolkii uu dalkii dheelliyee dhiillo dami weydey Adna aad dhallaan nolol dhur sugi noqotay dhaameelka Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan tago dhul gaalaade Rabbi kama abaal dhicine way dhaqay ilaahaye Inkastoon dhulkii tebahayoon gacal ka dheeraaday Inkaastaannu hoy Dhookir iyo David wada joogno Kolkii aan ku dheehdaa farxadi igu dhammaataaye Dhebigii Caleed sida tihiyo Dhuurta iyo Jiica Ama dhumuc Galool yeeshayoo Damal ka dheeraaday Abbooy mid kula dhalan ah duni hooyo may dhaline Dhal jacaylka waa waalid uun dhamamixiisiiye Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka WT. Mohamoud A. Abdalle Quote Share this post Link to post Share on other sites