Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Amb. Mehmet Yilmaz, waxaana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan doorashadii dalka.
Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni laguna doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay ballan qaadeyso dhismaha xarunta Baarlaanka, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay in Turkiga dhanka ciidanka iyo tabarradooda iyo saanadkooda intaba iyo qeybo kala duwan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this