Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi iyo Safiirka Shiinaha oo Muqdisho Ku Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliye Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Xafiiskiisa  ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiine u qaabilsan Soomaaliya  Fei Shengchao oo soo booqday.

Danjiraha oo guddoomiyaha soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashadiisa oo uu ka waday Baarlamaanka Dowladda Shiinaha, iyagoo kawada hadlay siixoojinta xiriirka labada dalka Soomaaliya iyo China.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda iyo doorka wada shaqayn ee Baarlamaanada labada Dal,guddoomiye Xaashi ayaa dhankiisa ka mahadceliyay booqashada uu maanta ugu yimid danjiraha dowladda Shiinaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this