Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeen cusub oo loo magacaabay madaxtooyada Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)–Wareegto aan ilaa weli si rasmi ah madaxtooyada u shaacin in lagu magacaabay Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Villa Somalia ayaa si hordhac ah wariyaha booskaasi xajistay baraha bulshada loogu hambalyeynayaa.

Agaasime kuxigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa u hambalyeeyay afhayeenka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo lagu magacaabo C/kariin Cali Kaar.

C/kariin oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala telefishinka Somali Chanel ayaa inta aysan Villa Somalia kasoo bixin digreetadii magacaabistiisa durbadiiba baraha bulshada lagu ogaaday.

Agaasime Cabdinuur ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay C/kariin, wuxuuna u rajeeyay inuu illaah la garab galo xilka loo igmaday, dulqaadkeedana uu yeesho maadaama howl dhib badan ay tahay.

C/kariin Cali Kaar ayaa horay usoo noqday guddoomiye degmo, balse laga qaaday xilka, wuxuuna dib ugu laabtay shaqadiisii wariyenimo oo uu daadihin jiray wareysiyada xasaasiga ah.

Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo khibrad sareysa u lahaa tabinta wararka iyo dhacdooyinka Villa Somalia ayaa booskiisa laga sugayaa inuu buuxiyo C/kariin Cali Kaar.

The post Afhayeen cusub oo loo magacaabay madaxtooyada Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this