Deeq A. Posted May 29, 2022 Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Tubta Nabadda. Cabdullahi oo todobaad ku jira Coma kadib xanuun kusoo booday ayaa xalay geeriyooday iyada oo lagula tacaalayey Yardimeli hospital. Cabdullahi Maxamed Shirwac waxaa uu horay usoo noqday guddoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Somalia (SOCENSA), isaga oo ka tirsanaa hoggaanka bulshada rayidka ah muddo 30 sano. Aaska ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada rayidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites