Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Ka Dhashay Sicir Bararka oo Ka Taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Mustafe iyo xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo ka dhashay sicir barar baahsan oo ka kacay deegaanka oo gaaray meeshii ugu adkeyd.

Madaxweyne Mustafe ayaa ku eedeeyay xisbiyada mucaaradka ah ee deegaanka ka jira ee ONLF iyo kan Xoriyada iyo Sinnaanta (FEP) ay macaash ka raadinayaan musiibadda jirta ee sicirka la xiriira sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda ku eedeeyay xukuumadda Cagjar in shir u dhaexeeyay labada dhinac inuu baaqdo ay sabab u aheyd xukuumadda, kadib markii warbaahinta madaxbannaan loo diiday in ay tabiyaan kulanka u dhaxeeyay.

Sare u kaca sicirka ayaa meeshii ugu saraysay gaaray dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana durba bilowday khilaaf  ka dhashay sidii loo xalili lahaa, kaas oo u dhaxeeyo xukuumadda iyo xisbiyada ONLF iyo kan Xoriyada iyo Sinnaanta (FEP) .

Gooobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this