Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Guray oo ka hadlay Dib u furistii Xeer 14 ee Kulmiye laaximka geliyey & wuxu uga jeeday

Recommended Posts

Deeq A.   
GARDARRO GARAB OG
guray.png
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2021
Horta xeerkan oo ahaa xeer wanaagsan oo jiray markii lagu qabtay doorashadii ugu horeysay ee Golayaasha Degaanka ayuu Kulmiye noqday xisbul xaakim. Xeerkii inta dib loo furay ayaa la waalay oo laaxin laga buuxiyay iyadoo dano gaar ah laga lahaa 2011kii. Hadii xal la doonayo goor ay noqotaba waxa qasab ah in dib looga guro laaxinkii Kulmiye geliyay balse lagama yaabo in ay noqoto inta uu Kulmiye yahay xisbul xaalim. Hadda qorobada khuseeya khilaafkan jira qodobka hoose ayaa ka mid ah ama ugu muhiimsan oo lagu kala tagan yahay. Bal akhri oo laftiisa miyay ku cadahay xisbiyo ururo noqonaya lix bilood ka hor inta aanay dhicin shahaadadahoodu ilayn ilaa Madaxwaynaha ayaa sheegay in Kulmiye uu urur noqonayo eh mise waxa doorasho toos ah wada gelaya ururo cusub iyo xisbiyo ay muddadoodu dhamanayso 26 December. Doorashada tooska ah ee ururada iyo xisbiyadu waxay sharci ahaan qabsoomaysaa December.
Gari Allay taqaane maxaa keenay in la yidhaa xisbiyadu ururo ayay noqonayaan doorashada tooska ahna waxay kula tartamayaan ururada cusub ka hor inta aanay qabsoomin doorashada madaxtooyadu 13ka November taas oo aan kuligeedba u arko qalad. Dabcan waxa suurogal noqon karana aan ahayn.
Halka laaxinku ku jiraa waa ka (3) oo ka hadlaya hadii doorashada ururada iyo xisbiyadu ay qabsoomi waydo ka hor 26 December. Saamayn ma yeelanayo hadii Doorasha Madaxtooyadu ay qabsoonto November ama xataa inta aanay dhicin shahaadadaha xisbiyadu. Hadii ay qabsoomi waydo yaa ka masuul ah ma xisbiyada? Oo hadaa sidee loo odhan karaa kama qaybgeli karaan Doorashada Madaxtooyada? Waa halka laaxinka ugu wayni ku jiro ee loo baahan yahay in laga saaro inta ay goori goor tahay ee aan jiq la isku noqon
Qodobka 8aad
Muddada Shahaadda Xisbinimo
1- Mudadda Shahaadada Xisbinimo ee xisbiyada Qaranku waa toban (10 sano) oo ka bilaabanta taariikhda Shahaadda Xisbinimo la siiyay.
2-Shahaada Xisbigu/Ururku waxa uu ku heli karaa ka qayb-galka Doorasho toos ah oo loo qabtay Ururada iyo Axsaabta, Islamarkaana uu si rasmi ah uga mid noqday Saddexda Xisbi si xeerka waafaqsan.
3-Xisbiyada ay ka dhacdo mudadda shahaadada Xisbinimo ee la siiyay, ma geli karaan doorashada madaxtooyada, Wakiillada iyo Deeganka, waxayna ahaanayaan xisbiyo ku meel-gaadh ah ilaa intaa laga qabanayo doorasho toos ah oo ay ku soo baxayaan xisbiyo Qaran.
4-Ururrada cusub iyo xisbiyada ka qayb-galaya doorashada tooska, waa in diiwaangalintooda la qabtaa lix bilood ka hor dhammaadka muddada Shahaadda Xisbinimo.
ELECTIONWATCH
CALIGUREY
.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this