Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu CC Shakuur kala hadlay Wasiir Khadiijo iyo wasiirrada dowlad goboleedyada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gargaarka ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

“Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wada shaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu danbaynii Ergeyga iyo wasiirrada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

54d27f0e-5b53-4340-9186-1be7b1562b7b.jpg Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?resize=696 CC-Shakuur-Cabdiraxmaan.jpg?resize=696%2 CC-Shakuur-Cabdiraxmaan.jpg1_.jpg?resize

The post Muxuu CC Shakuur kala hadlay Wasiir Khadiijo iyo wasiirrada dowlad goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this