Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Puntland oo Garoowe ku xiray nin wax ka qoray kiis la xiriira dhoofinta geed-quwaaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa sida la xaqiijiyay Garoowe ku xirtay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Amiin Maxamuud Guuleed.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland ay su’aalo ka weydiinayaan arrima uu ku qoray bartiisa Facebook.

Qof aan rabin in magaciisa la xigto ayaa noo sheegay in baaritaan lagu samaynayo Amiin balse wax faahfaahin ah kama bixin.

Amiin Guuleed ayaa muddooyinkiii u danbeeyay qoraallo ka sameeyay kiis la xiriira dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo ay ku eedaysan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Puntland oo Garoowe ku xiray nin wax ka qoray kiis la xiriira dhoofinta geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this